DF oo WAR ka soo saartay habka loo ciidayo sanadkan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmaha Ciidul Fitri ayaa nagu soo wajahan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay aad isugu diyaarinayaan maalmaha farxadda, balse Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay warbixin ay taxadar ku fareyso shacabka maadaama uu jiro xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa shacabka kula taliyay iney taxadar weyn ka sameeyaan xanuunka isla markaana ay xirtaan Facemask (Afxir) iyo sidoo kale Gloves (Gacmo Gashi).

Wasaaradda waxey ka walaacsan tahay in xanuunka si fudud ku faafo maalmaha ciida maadaama bulshada Soomaalida ay tahay mid is marxabeyn badan, balse waxey shacabka usoo jeediyeen iney raacaan talooyinka caafimaad ee ka hortagga COVID19.

47 Kiis ayaa saacadahii ugu dambeeyay laga diiwaangaliyay Soomaaliya, waxeyna tirada guud ee dadka uu soo ritay ay gaartay gayiga oo dhan 1502 iyadoo ay u dhinteen 59 qofood.

Marka laga reebo in dowladda ay habeenkii soo rogtay bandow ma jirto isku day kale oo ay bulshada kaga badbaadinayaan halista xanuunkaan, dukaameysiga iyo is dhexgalka bulshada ee maalintii waa mid sidiisa ah.

Marka laga reebo in Wasaaradda Caafimaadka ay shir jaraa’id ku shaaciyaan kiisaska la qabto 24-kii saac ma jirto wax dareen ah oo ay bulshada inteeda kale ka qabaan xanuunkaan.