DF oo ka hadashay diyaaradihii shalay loo diiday inay toos u aadaan Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay labo diyaaradood oo shalay lagu baaray Garoonka diyaaradaha ee degmada Wajeer, kuwaasi oo dad rakaab ah ay saarnaayeen.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa war kasoo saartay diyaaradaasi dadka shacabka ay la socdeen oo lagu sii baaray degmada Wajeer ee dalka Kenya, xili ay ku wajahnaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hay’addu waxay sheegtay in labada diyaaradood ee lagu baaray degmada Wajeer inay ahaayeen kuwo aan ka diiwaan gashaneyn duulimaadyada tooska ah ee Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa jiray heshiis dhawaan dhaqan galay oo u dhaxeeyay labada dowladood, kaasi oo dhigayay in diyaaradaha sida tooska kaga duula magaalada Muqdisho inay tagi karaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Laakiin dowladdaha heshiiska gaaray labadaba horey ma aysan u cadeyn diyaaradaha qaaska ah ee loogu talo galay duulimayaadyadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com