Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka wasiirkii British-ka ee sida qarsoodiga ku yimid Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ciidamada Qalabka Sida UK Mike Penning ayaa safar qarsoodi ah kusoo gaaray Magaalada Muqdisho, kaasoo aan lala wadaagin saxaafadda.

Wasiirkaan soo hgaaray Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay UN-ka Muqdisho ka howlgala ee ka yimid UK iyo kuwa Uganda ciidamada AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Soomaalida oo uu hogaaminayay Abaanduulaha xoogg dalka Gen. Calo Baashi.

Safarka wasiirada ayaa ku koobnaa kaliya xerada Xalane, halkaas oo uu madaxdaan kula qaatay kulamo looga wada hadlay amaanka Soomaaliya iyo doorka Ciidamada AMISOM, wuxuuna safarkaas dhacay 2 April 2017.

Midda yaabka badan ayaa aheyd inuusan wasiirka waxa kulan ah la qaaday madaxda ka taliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Ingiriiska ay ciidamo ka tirsan UN-ka hoos taga ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo howlo taageero ah iyo ilaalo wada  xarunta weyn ee UN-ka ku leeyahay magaalada Muqdsho, inkastoo aysan aheyn ciidamo badan.

Tallaabada wasiirkaan uu kusoo gaaray ayaa kamid ah safarada aan lasoo ogeysiin dowlada oo ay dadka Ajaanibta ah ku imaadaan Soomaaliya, waxaana ugu wacan Dowladda Soomaaliya oo aan laheyn awood baahsan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada safarkaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com