Diyaarado Gargaar u waday Buuhoodle oo loo diiday inay ka dagaan Degmadaasi

Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xiisad ay ka dhalatay Diyaarado siday gargaar oo ka dagi laheyd Degmada Buuhoodle.

Diyaaradahaani ayaa la sheegay inay kasoo ambabaxeen magaalada Muqdisho waxa ayna xiisadu timid kadib markii maamulada Puntland iyo Somaliland ay isku qabteen halka ay ku hormarayaan Diyaaradaha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Puntland ay dalbatay in Diyaaradahaasi marka hore ay soo maraan Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halka Maamulka Somaliland ay dhinaceeda ka diiday in Diyaaradahaasi lasoo mariyo Garoowe.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa mid waliba ku adkeystay inaanu diyaaradahaasi kasoo dagi doonin deegaanadooda haddii ay ku hormaraan mid kamid ah labada maamul.

Labada Maamul ayaa midba midka kale ku haya faquuq, waxa uuna walaacu yahay mid salka ku haya in lagu xadgudbo deeqda haddii ay dhacdo in Diyaaradaha laga dajiyo Somaliland ama Puntland.

Odayaasha labada dhinac ayaa wada waan waan lagu hakinaayo go’aanada iska soo horjeeda, xili Kumanaan kun oo shacab ah ay la liitaan cunno la’aan.

Dhawaan ayay aheyd goortii maamulada Puntland iyo Somaliland ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah oo la xiriirta abaarta ka jirta deegaanada labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com