Midowga Yurub oo qalinka ku duugay Lacag aad u badan oo loogu talagalay Maamul Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa go,aamiyey lacago aad u badan oo loogu talagalay Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Yurub ayaa maanta qalinka ku duugtay 33 Malyan oo Yuurow ah taasoo la doonayo in lagu wareejiyo dhammaan maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jiro, waxaana xusid mudan in Maamul Goboleedyadaas lagu daray Somaliland.

Lcagtan ayaa ah mid loogu talo galay in lagu hormariyo  Maamulada ka jira dalka oo xilligan deegaanada ay ka arimiyaan ay ka jirto abaar saameyn ku yeelatay dad iyo duunyo.

Soomaaliland ayaa ka mid ah maamulada lacagtan maanta midowga yurub ay saxiixeen wax ka qaadan doona , inakstoo Soomaaliland ay sheegto inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya inteeda kale , midaasna waxaa meesha ka saaray Midowga Yurub oo Somaliland u aqoonsan inay Soomaaliya kamid tahay.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam   Axmed Madoobe shaaca ka qaaday in si siman loo qeybsado mashaarcdii iyo kaalmooyinka laga helayo Caalamka , isla markaana wax laga gaarsiiyo Maamulka Soomaaliland oo u sheegay inay Soomaaliya ka mid tahay, inkastoo ay iyadana ka biyo diidan tahay inay qeyb ka noqoto Soomaaliya.

Dhawr sano ayey Somaliland raadineysaa aqoonsi, mana jirto ilaa hadda hal wadan oo u aqoonsan inay yihiin dowlad ka go,day Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com