Muxuu ku saabsanaa kulankii ugu danbeeyay ee Farmaajo uu la qaatay Hay’adaha amaanka?

Muqdisho (Caasimad Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kulamo is xigxiga la qaadanaaya Hay’adaha amaanka Dowlada.

Madaxweynaha ayaa la soo warinayaa in Mas’uuliyiinta Hay’adaha uu kala hadlaayo xaalada Amni darro ee ka taagan Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa kulanka oo labada maalin socday kula hadlay Madaxda Hay’adaha amniga waxa uuna kaga digay inay hana waayan howlaha loog igmaday.

Farmaajo waxa uu kulanka ka sheegay inaanu u dulqaadan doonin Amni darada ka jirta magaalada Muqdisho, waxa uuna sidoo kale soo hadalqaaday Ciidamada Dowlada ee dilalka kula kacaaya dadka shacabka ah.

Farmaajo waxa uu Mas’uuliyiinta Hay’adaha u sheegay in Mowqifkiisa uu yahay in xil ka qaadis lagu sameeyo Mas’uulkii ka gaabiya Howlaha lagu xaqiijinaayo Amniga waxa uuna ku baaqay in Ciidamada dilka u geysta Shacabka la horgeeyo Cadaalada.

Waxa uu Su’aal ka keenay sababta Cadaalada loo horgeyn la’ yahay Ciidamada Dowlada ee dilalka bareerka ah u geysta shacabka, wuxuuna wacad ku maray inuu la xisaabtami doono Mas’uulka u taliya Askariga dilka geysta.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amaanka ayaa dhankooda ka sheegay inay jiraan caqabado farabadan oo suuragalin la’ in gacanta lagu dhigo Maleeshiyaadka dilalka ka geysta magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiintu waxa ay ballanqaaden inay wax ka qaban doonaan Amni darida ka jirta magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com