Haddii uu R/W Kheyre sameeyo sida sawirkan ka muuqata hamiga shacabka wuu hirgalay

Muqdisho (Caasimad Online) – Amiin Caamir oo ah Farshaxaniista weyn  ayaa sawir gacmeed la yaableh wuxuu ka sameeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed, kaasoo muujinayo iskaashi dhex marayo shacabka iyo dowladda.

Amin Arts ayaa sawirkaas ku muujiyey  Geed uu ula jeedo Soomaaliya oo qeybta sare ee lamaha Geedkaas ka dhigay  Masas uu u kala bixiyay magacyo dhawr ah oo kala ah Gaajo, Cudur , Qabyaalad, Nabad diid, Cadaalad darro iyo Musuq maasuq , waxaana faas la dhacay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo  Farshaxan ahaan uga soo muuqday sawirkaan isagoo heysto Faas ama Misaar oo jiridka ka jaraya geedka si qeybta masaska ah ay meesha kaga baxaan isla markaana geedka laamo iyo caleemo hor leh uu u bixiyo taas oo uu ula jeedo in halkaas ay ku harayaan cadowga Soomaaliyeed.

Hadii ay dhacdo sida sawirkaan ka muuqato, waxay caddeyn u noqon doontaa in la gaaray hamiggii ay shacabka Soomaaliyeed ka lahaayeen Dowladda cusub oo uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawrika laga sameeyey arrintaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com