Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii aa dhacay agagaarka wasaarada amniga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Wasaarada Amniga Guddaha Qaranka.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la dhigay Afafka hore ee Maqaaxida.

Xiliga uu dhacaayay Qaraxa ayaa waxaa Maqaaxida ku sugnaa Ciidamo iyo dad shacab ah, waxaana inta badan Maqaaxida ku shaaha Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo Wasaarada Amniga.

Afafka hore ee Maqaaxida ayaa waxaa iminka dhooban Dhaawacyo iyo Meydad u badan dadkii ku shaahayay goobta.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray Ciidamo qaad ka iibsanaayay meel ku dhow Maqaaxida oo lagu iibiyo qaadka.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu gaarsiisan yahay 11 ruux.

Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dadka ilaa iyo hadda ku dhintay Qaraxa ay gaarayaan ilaa 7 ruux.

Dadka ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku jiray Arday xiliga Qaraxa kasoo baxay Iskuul ku yaalla dhinaca Maqaaxida la Qarxiyay.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa laga digaayay Maqaaxida uu Qarax ka dhacay, waxaana halkaasi kusii kordhaayay dadka u Shaah doonta.

Hay’adaha Amniga DFS ayaan wali ka hadal Qaraxa loo adeegsaday Gaariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com