Maxaa kusoo kordhay kulankii baarlamanka iyo mooshinka heshiiskii Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka maanta oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arimo kala duwan oo uu ku jiro mooshin ka dhan ah heshiiskii imaaraatka ee berbera.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga abaaraha Dowladda Soomaaliya, waxaana guddiga ay sheegeen iney soo gaartay 2.5 milyan oo doolar.

Dhinaca kale kulanka maanta ee baarlamaanka Waxaa lagu magacaabay guddiyo kala duwan oo uu yeelanayo baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo gaaraya 14 guddi, waxaana la sheegay in la ansixin doono shan maalin kadib.

Ugu dambeyn waxaa baarlamaanka kulankiisa lagu soo hadal qaaday mooshin ka dhan ah heshiiskii Imaaraatka Carabta uu la galay maamulka Somaliland kaasi oo ku aadan saldhiga meletari ee ay ka dhisanayaan magaalada Berbera.

Waxaa ka hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo xildhibaan Cabdulaahi Sheikh Xasan, iyaga oo sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid sharci daro ah, balse waxaa dib loo dhigay ka doodista mooshinka.

Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee laga doodi doono mooshinka ka dhanka ah Berbera, waxaana loo maleynayaa in si hoose xal loo gaari doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com