DF oo war kasoo saartay mushahar la’aanta ciidamada iyo gadoodka ay sameeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray mushahar la’aanta haysata ciidamada dowladda, xilli qaarkood ay kasoo baxeen furumaha dagaalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyoo Taliska Xoogga waxay sheegeen inay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka.

Waxay sidoo kale sheegeen in askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay uu mushaarkiisa u qaato si toos ah looguna shubo koontadiisa bangiga.

Warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa laguyiri “Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa”

Wasaaradda waxay sheegtay in ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah ay ku socoto xaqiijin rasmi ah.

“Sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka, waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka Soomaaliya.

“Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa Dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.”

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka wax faah-faahin kama aysan bixin waxa ay ula jeedo ciidamada diiwaan-gelintooda ayaa socota, xilli ay ku sheegeyso inay ku laabtaan goobahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com