Shan qalad oo lagu arkay xafladdii casho-sharafta ee madaxweyne GEELLE

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad casho sharaf ah oo loo sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wadanka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana xubnahaas ugu sarreeyey Madaxeyne Farmaajo, Madaxweyne  Gelle, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaasha labada aqal, Wasiiro  iyo XIldhibaano ka kala socday labada wadan.

Sidoo kale waxaa xafladda ka qeyb galay Fanaaniin qaali ku ah Umadda Soomaaliyeed oo aan dhowr iyo 30 Sano is arag sida, Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal, Salaad Derbi, iyo kuwii horey dalka u joogay

Intii ay socotay Xafladda oo si toos ah uga baxeysay Warbaahinada kala duwan ee Soomaalida ayaa waxaa laga dhex arkay qaladaad u badnaa dhanka Protocol-ka ah oo ay aheyd in laga ilaaliyo xafladda, waxaana qodobeyn doonaa qaladaadka laga diinwaan geliyey.

  1. Kala daadsanaan Kooxaha Fanka ee Soomaalida ah oo aan si fiican u abaabulneyn, koox walibana ay suugaan u gaar ah la timid fagaaraha, Abwaan walibana uu gabaygiisa soo qaatay bilaa qorshe, taas oo waqti badan lumisay.
  2. Dadka qaar ee masraxa ka hadlayay marka ay Madaxda salaamayeen waxay mar walba ku bilaabayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ka dib ayey Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaasha labada aqal iyo Ra’isulwasaare Kheyre  sheegayeen, Laakiin nidaamku wuxuu ahaa iney Madaxweynaha Soomaaliya ku bilaabaan.
  3. Calanka Soomaaliya oo Masraxa ku yaraa, xataa markii uu Heeska Calanka Soomaaliya qaadayay Cawaale Aadan iyadoo la yaaban yahay Hooyooyinkii xaflada joogay malaha inta is heyn waayeen ayey Calan yar oo kuwa miiska la saarto ah u keeneen oo uu gacanta ku qabsaday, halka Calamo waaweyn oo kuwa walaalaheen jabuuti ah ay Masraxa dhoobnaayeen.
  4. Xiriirinta Munaasabadda oo aad u liidatay sababtuna waa qorsha xumo iyo jadwal rasmiya oo aan loo dhiibin Xariiriyihii Xafladda Jeyte.
  5. Background-ka dambe ee Masraxa ama Decoration-ka goobta dib haloogu laabto hadii wafuud caalamiya lagu marti gelin doono goobtaas.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid