DF oo war kasoo saartay xukunka askarta AMISOM ee lagu tooganayo XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda u xil-saaray kiiska dadkii shacabka ah ee ay AMISOM ku leysay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay xukunka shalay soo baxay ee lagu ridday askarta Yugaandha ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadeynta askartan ay soo martay heerar kala duwan, isla-markaana lagu helay dambiga dadkii ay ku laayeen deegaanka Golweyn.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay dalbatay maxkamadda ciidan ee la saaray askartaasi, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Maxkamad ciidan ayaa codsanay in la saaro maxkamaddii ciidanka ahna waa la dhisay natiijadeydii xukunka ahna shalay ayuu soo baxay,” ayuu yiri wasiirkada cadaaladda.

Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay goobjoog ahaayeen fadhiga maxkamadda iyo sidoo kale baaritaanadii soo socday ee kiiskan soo idlaaday.

“Annaga iyo Yugaandhaba waxaan ka aheyn goobjoogayaal shaqada socoto iyo baaritaanka socdo, waxaana noo qaabilsan agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga oo farsamo ahaan la shaqeynayey guddiga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cabddqaadir Maxamed Nuur.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in dowladda u soo bandhigi doonta shacabka Soomaaliya, goorta iyo goobta la tooganayo askarta la xukumaday

“Goobta uu ka dhacaayo dilka saraakiisha AMISOM ee la xukumay, waan la wadaagi doonnaa shacabka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya.

Si kastaba, labo ka mid ah saraakiisha lasoo eedeeyey ee AMSIOM oo u dhashay Ugaandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddex askarina lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.