Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay goor dhow koox hubeysan ka geystay agagaarka Warshadda Caanaha ee degmada Hodan.

Toogashada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kaas oo ku sugnaa wadada warashadda Caanaha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen kadib dhacdadaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo goobta ka qaaday meydka askarigaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa wadada uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin shaqsiyaadkii ka dambeeyey toogashada lagu dilay askarigaasi ka tirsanaa Taraafikada.

Waa dilkii labaad oo isla 24 saac gudahood ka dhacay degmada Hodan, waxaana shalay lagu toogtay haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah intaba.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho, maadaama lasoo xulayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.