Galmudug oo dhameystirtay doorashada Aqalka Sare – Yaa kusoo baxay labadii kursi?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa markale dib loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Glamuudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali oo kala qeyb-galayey doorashada.

Xildhibaanada Galmudug ayaa codka siiyey Qeybdiid, wuxuuna helay 83 cod, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka.

Natiijada doorashada ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kusoo baxayo Cabdi Qeybdiid oo haatan ka mid ah saaxibada Qoor Qoor.

Sidoo kale doorashada waxaa kursiga labaad kusoo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo isna cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen xildhibaanada Galmudug, kadib markii uu tanaasulay masharixii la tartami lahaa Mahad Aadan, waxaana guusha Xareed ay aheyd mid la oogaa.

Dhinaca kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Si kastaba, qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystirtay doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka.