Maxay tahay tallaabada ay ciidamada Mareykanka qaadi doonaan haddii ay kooxda TPLF soo gasho Addi Ababa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo November sanadkii hore ay aad u kacsaneyd xaaladda gobalka taasna ay sababtay dagaalka ka socda dalka deriskooda ah.

William Zana oo ah Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu uu yahay Jabuuti ayaa yiri “Ciidamada Mareykanka halkan waxey u  joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobalka”.

“Marka itoobiya uu ka dhaco dagaal gudaha ah taasi waxay sababi kartaa in ay go’aansadaan in ay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxaan, waxaa halkaasi ku sugan 5 dal oo ka tirsan midowga Afrika oo ay arrintan saameynayso waxa jirta suurtagalnimo ah in kooxaha xagjirka argagixisada ay halkaasi dhaqdhaqaaq ka sameeyaan,” ayuu yiri Mr Zana.

Mar wax laga waydiiyay tallaabada ay militariga Mareykanka qaadayaan haddii ay TPLF soo galaan Addis ababa ayaa waxaa uu sheegay in doorka ay u joogaan gobolka uu yahay in ay ka jawaabaan xasaradaha iyo dhibaatooyiinka.

“Doorkeena asaasiga ah ee halkan aan u joogno waa in aan awood u yeelano inaan ka jawaabno dhibaatooyiinka, gaar ahaan inaan ka jawaabno dhibaatada la so gudboonaata diblomaasiyiinta Mareykanka guud ahaan Afrika gaar ahaan kuwa bariga Afrika,” ayuu intaa ku daray.

Jeneraalka hogaamiye ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika Janaraal William Zana ayaa xusay in ay u diyaar garoobeen ka jawaabida haddii Addis ababo uu dagaal ka dhaco oo ay xaaladda sii xumaato.

“Waxaan sameynay diyaar garow wanaagsan iyo qorshe si ay noogu suuragsho in aan ka jawaabno oo aa gacan ka geysano daad-gureynta shaqaalaha iyo inaan sameyno howlgal daad-gureyn ah oo ballaaran oo laga soo qaadayo shaqaalaha Mareykanka , muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa dalalka kale, ayuu yiri Janaraal Zana.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay ku  sheegtay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya.

Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimadda, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.