DF oo xaaska Mukhtaar Roobow u diiday in ay soo fiiriso iyo beeshiisa oo arrin cusub shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, sidoo kalane ka tirsan xisbiga Mukhtaar Roobow ee Amniga iyo Cadaaladda ayaa sheegay in mid ka mid ah Xaasaska Abuu Mansuur oo daggan magaalada Muqdisho loo diiday in ay soo aragto Seygeeda oo xiran muddo ka badan 6 bil.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dhamaan ehellada iyo qaraabada Abuu Mansuur loo diiday in ay soo arkaan si ay uga war-qabaan xaaladda Sheekha. Sidoo kale waxa uu sheegay in xataa loo diiday in ay kala hadlaan Mobile maadaama aan loo ogolaanin in ay soo arkaan.

Ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ay warbaahinta Soomaalida baahiyeen xogo ku saabsan in Abuu Mansuur xanuunsan yahay taasna ay ku abuurtay walaac iyo cabsi xoog leh.

Sidoo kale maanta ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali uu u dhintay xanuunkii haayay inkastoo markii dambe ay been abuur noqotay xogtaasi.

“Abuu Mansuur waxaa noogu war dambeysay 13-kii Dec 2018, wixii markaas ka dambeeyay waa noola diiday in ay aragno xataa aan Mobile kala hadalno” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda ee uu hogaamiyo maxbuus Mukhtaar Roobow Cali.

“Haddii uu dhinto ama xanuunsado Abuu Mansuur annaga waxaan u heysanaa Farmaajo iyo Abii Axmed oo naga soo qafaashay” ayuu yiri Mr Mursal oo warbaahinta Muqdisho la hadlay Caawa.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku jira xabsi ku yaala xarunta ugu wayn hey’adda NISA ee Habar-khadiijo ayaa xiran muddo ka badan 6 bil waxaana isa soo taraya wararka ku saabsan xaaladiisa Caafimaad.

Abuu Mansuur ayaa dhowr jeer la geeyay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu ka xanuunsan yahay dhanka Kiliyaha. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadli Xaaladda Abuu-Mansuur waxaana shaki ka jiraa Xaaladiisa Caafimaad.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com