Sawirro: IGAD oo ballan qaad u sameysay XAAF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali (Guyo) ayaa ballan qaad u sameeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib markii uu kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho.

Mr Guyo ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu kala shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo horumarka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

IGAD ayaa Madaxweyne Xaaf ku bogaadisay siduu u ballaariyay maamulkiisa, uguna soo daray maamulkii Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dhankiisa Madaxweynaha Galmudug ayaa Wakiilka IGAD ee Soomaaliya uga warbixiyay xaaladihii adkaa ee uu soo maray maamulkiisa iyo waxa u qabsoomay.

Xaaf ayaa shaaciyay in guullo la taaban karo uu gaaray muddada uu joogay, taas oo ay ugu horreyso dhinac nabad galyada.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli weli khilaaf xoogan uu ka jiro maamulka Galmudug, kaas oo ka dhashay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: 

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com