DF oo xaqiijisay haddii Xaaf lagu casuumay shirka Muqdisho iyo haddii kale

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay haddii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf lagu casuumay Shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirkii ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Shirkaas, Ujeedka laga leeyahay, Waqtiga uu dhici doono iyo Cidda lagu casuumay.

War murtiyeedkii laga soo saaray Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri:

” Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017. Xukuumada ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.

Maxaa Laga Fahmay:

War Murtiyeedkaas ayaa waxaa laga fahmay laba qodob oo kala ah:

1) Inay Dowladda Soomaaliya Casuumtay Maamulka Galmudug oo maalmihii dambe hareeyey muran siyaasadeed

2) Inay Dowladda Soomaaliya ay Madaxweynaha Galmudug u aqoonsahay inuu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Maamulkaas, maadaama lagu daray liiska madaxweynayaasha.

Sidoo kale War murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in ujeedka laga leeyahay Shirka 28 Bishaan ka dhacayo Muqdisho ay tahay xoojinta midnimada, wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa isaga horey u sheegay inay soo gaartay Casuumadda uu madaxda maamul Goboleedyada u diray madaxweyne Farmaajo, warka dowladda kasoo baxana wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyey inuu Xaaf liiskaas ku jiro.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug oo xalay waraaq soo saaray ayaa sheegay inay Magaalada Cadaado kasoo cusboonaatay olole siyaasadeed oo xilka looga qaadayo, isagoo arrintaas ku eedeeyey in laga soo abaabulay Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inaysan is qaadan karin inay dowladda shir isugu wacdo Maamul Goboleedyada haddana faragelin cusub lagu bilaabo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada Casuumaad u sameeyey kadib markii uu sii kordhay Khilaafka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaasoo gaaray ilaa heer ay Maamul Goboleedyada sameystaan madaxweyne u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com