Ujeedada iyo goorta uu dhacayo shirka dowladda iyo maamul goboleedyada oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ayaa maanta shaaca ka qaaday goorta uu dhacayo shirka uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ku casuumay madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, ee ay xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka.

Shirkan oo ay ka qeyb gali doonaan madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ayey golaha wasiirada sheegeen inuu dhici doono 28ka Oktoobar 2017.

Golaha wasiirada waxay sidoo kale waxay sheegeen in shirkaasi looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.

Golaha wasiirada ma aysan sheegin in ujeedka shirkan uu yahay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex ooggan dowladda iyo maamul goboleedyada ee ka dhashay markii Imaaraadka Carabta ay ku cadaadiyeen madaxda maamul goboleedyada inay taageeraan, kuna qasbaan dowladda dhexe inay Qatar xiriirka u jarto.

Hadalka golaha wasiirada maanta kasoo baxay ayaa imanaya maalin kadib markii madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas uu shaaca ka qaaday in isaga oo ku hadlaya magaca dhammaan madaxweynayaasha kale ee maamullada, ay aqbaleen casuumadda madaxweyne Farmaajo, ayna ka qeyb gali doonaan shirkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com