Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 40 xubnood oo Shabaab ah.
Howlgalkaas ayaa ka dhacay tuulada Maqooqa oo qiyaastii 13-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Dowladda federaalka ayaa hoos u dhigtay doorka ciidamada Jubbaland oo ka qeyb qaatay howlgalka lagu weeraray Al-Shabaab ee ka dhacay aagga Buuloxaaji, khilaafka jira dartiis.
“Howlgalkan oo si xeeladaysan loo qorsheeyay ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariita Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal muhiim ah, xogtooda iyo magacyadooda si rasmi ah ayaa dib loo shaacin doonaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda ayaa bogaadisay geesinnimada iyo kartida Ciidanka Danab, iyadoo sheegtay in dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta uu ka socdo dhammaan jihooyinka dalka.
“Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sii wadi doona gulufka ballaaran ee lagu dabar-goynayo Khawaarijta, iyadoo howlgalladan oo kale ay marag cad u yihiin sida ay Ciidamada Qaranka uga go’an tahay difaaca dalka, badbaadinta shacabka, iyo xasilinta guud ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada oo meydadka Al-Shabaab ka soo saaraya godadkii ay qoteen, si ay gabaad uga dhigtaan, balse ay ku badbaadi waayeen.
Howlgalkaan waxaa qeyb ka ahaa ciidamada Jubbaland, balse dowladda federaalka ayaa hoos u dhigtay doorka Jubbaland, maadaama uu jiro khilaaf adag oo sababay in dowladda federaalka ay waxba kama jiraan ka soo qaado dhamaan hay’adaha dowliga ah ee maamulkaas.