DF oo xayiraad kusoo rogtay dadka ka imanaya dalalka uu ka dillaacay Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in dadka ka imaanaya dalalka uu dilaacay cudurka Coronavirus aysan dalka soo geli karin muddo 20 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta safarkiisa.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa sababta go’aankaas loo soo saaray ku sheegay in ay tahay mudadaas 20-ka maalmood ah baarritaano lagu sameynayo dadka soo galaya gudaha dalka.

Baaritaankaan lama cadeyn cidda sameyn doonta in ay tahay dowladda Soomaaliya iyo in ay jiraan dalal kale oo ka gacan siinaya.

Agaasimaha tayeynta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho u sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xayiran qaar ka mid ah wadamada uu ka dilaacay Coronavirus.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dalalka dadka Soomaaliyeed ay ku xayiran yihiin oo ay ku jiraan Iran iyo Shiinaha ay ku dadaalayaan sidii dalka loogu soo celin lahaa, iyadoo laga taxadarayo in Coronavirus uu dalka soo galo.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa dhaqan-geliyey siyaasad la mid ah middan, oo dadka ka imanaya dalalka uu ku faafay Coronavirus lagu karantiilayo mudo saddex toddobaad ah ka hor inta aan bulshada lagu sii deyn.

Halkan ka dhageyso wareysiga agaasimaha