Imaaraadka oo dekedda Berbera ku soo celiyay xoolo laga dhoofiyay iyo sababta

Berbera (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Berbera ayaa dib loogu soo celiyay dooni bishii koowaad ee sanadka ka qaaday Xoolo adhi ah, kuwaasi oo loo dhoofiyay dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka ayaa gebi ahaanba xoolahaasi oo dhamaan Afar kun iyo lix boqol oo neef ay dib ugu soo celisay dekedda magaalada Berbera.

Waxaana dekedda Berbera dib ugu soo noqday doonidaasi oo sida saddex kun oo neef oo adhi ah, halka ay kun iyo shan boqol oo neef ay ku dhex dhinteen doonida intii ay u xayirnaayeen aqbalaada Imaaraadka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in tiro intaasi leeg oo xoolo ah ay ku dhex dhintaan Doonida, balse waxa loo aaneynaya darxumo heshay intii ay xayirneed doonidu.

Waxaana markii lagu soo celiyay dekedda Berbera ee laga dajinayay xoolahaasi, laga dheehan karayey tabcaanimo iyo darxumo ba’an, inkasta oo markii hore tayadooda caafimaad lagu hubiyey Maxjarada Berbera.

Ilaa haddana ma cadda sababta ay dowladda Imaaraadku u soo celisay doonidaasi oo baxday bishii koowaad ee sanadkan, balse waxa loo maleynaya inaysan sidan wax ogolaansho ah.

Mana jirto wax war ah oo ay xukuumada Somaliland kasoo saartay xoolahan dib loogu soo celiyay dekedda Berbera, kadib markii ay dowladda Imaaraadku ay diiday in la dajiyo.