DF oo xirtay askar isaga soo tagtay xaafadda Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa amray in la xiro 7 ka mid ah ciidanka booliska degmada Hodan oo xalay laga soo eryay guriga taliyihii hore ee ciidanka booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon, kuwaas oo la geeyay aagga Shiirkole Arbacadii, oo aheyd marki ay shaqaaqada billaabatay

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online in ciidankaan oo daganaa meel u dhaw guriga Jeneraal Saadaq oo ku yaalla Shiirkole uu u yimid Janaraalka oo wata ciidan badan, kadibna uu ka qaatay moobeeladii.

Jeneral Saadaq ayaa markaas kadib toddobada askari u sheegay in uusan diyaar u aheyn in uu dilo ama uu hubka ka qaato, maadaama ay yihiin dhalinyaro uu waqti badan horey u geliyay oo uu taliyahooda ahaado, hase yeeshee ay u tagaan taliyihii soo diray una sheegaan in uu soo fasaxay taliye Saadaq Joon.

Wuxuu sidoo kale u sheegay in mobeeladooda ay gacan aamin ah ku jiraan islamarkaana ay markale soo doontaan haddana uu sababi amni uga reebay. 

Taliska ciidanka booliska ayaa askartaan markii ay u tageen amray in la xiro, waxaana lagu eedeeyay dacayaad amni maadaama ay ka soo tageen goob amaankeeda lagu haleeyay waliba iyadoo aan wax dagaal ah dhicin. Waxaa sidoo kale lagu qabsaday sababta aysan ula dagaalin markii ay u yimaadeen ciidanka Saadaq.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda dagan balse waxaa weli jira jawi colaadeed oo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyadii ciidan ee xalay. Dowladda Soomaaliya ayaa ka shakisan saraakiisha qaar oo ay aaminsan tahay inaysan diyaar u aheyn weerarka Saadaq Joon. 

Xalay ayaa aheyd habeenkii labaad oo ay ciidamada dowladda isku dayaan weerarka Jeneraal Saadaq balse ay ku fashilmeen, inkasta oo dowladda markii dambe ay sheegtay inuusan qorshuhu ugu jirin weerar ka dhan ah Jeneral Saadaq.

Jeneral Saadaq Joon ayaa maanta billaabay inuu dhufeyso ciidan ka sameysto xaafadda Shiirkole, si uu isaga difaaco weerarka dowladda.