Xog: Magacyada 3 haween ah oo loo soo qabtay dilka guddoomiyihii Xamar Jajab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay saddex qof oo dumar ah, kuwaas oo ku eedeysan dilka guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, kaas oo xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in mraxuumka ay shir qooleen dumar ka mid ah kuwii xaafadda daganaa kadibna waxaa dilka fuliyay dhallinyaro mindiyo ku hubeysan oo gowrcay marxuumka. 

Allah ha u naxariistee dilka Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ayaa loo soo qabtay, Farxiyo Xasan Axmed oo 31 sano jir ah, Farxiyo Cabdi Samataay oo 38 sano jiro ah iyo Caaliyo Abuukar Cumar oo iyadana 38 jir ah. 

Haweenka la soo qabtay ayaa la sheegay in mid kamid ah ay hogaamineysay ragga dilka geystay oo ka koobnaa saddex qof, kuwaas oo ugu dambeyn xaafadda ka baxsaday.

Guddoomiyaha la dilay ayaa daganaa xaafada Sarkuusta oo ka tirsan degaanka Garasbaalay waxa uuna daganaa 3-dii bilood ee la soo dhaafay. Waxaa la sheegay in uusan wadan wax hub ah iyo ilaalo midna. Dadka la soo qabtay waxaa ku jirta xaaskiisa oo ay boolisku sheegeen in uu jiro shaki soo galay. 

Maxruum Maxamed Cabdi Axmed ayaa ahaa 63 sano jir dhawaan loo magacaabay degmada Xamar Jajab waxaana asalkiisa laga keenay maamulka gobalka Shabeellada Hoose oo uu ka tirsanaa.