Xog: FARMAAJO oo codsi u diray Xasan iyo Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay in markii ugu horeysay uu codsi u diray madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kulan xalay ka dhacay Villa Somalia oo ay yeesheen Farmaajo, Rooble, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe aad loogu lafa guray arrinta mudo kororsiga iyo xiisadda ka soo cusboonaatay caasimadda, iyadoo Farmaajo uu dalab u dhiibay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Dalabka Madaxweyne Farmaajo ayaa ah inuu la kulmo madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, si ay uga wadahadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Si dalabka Farmaajo loogu gudbiyo Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh waxaa caawa loo balansan yahay kulan dhexmara madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh, Shariif Sheekh iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle.

Hase yeeshee Caasimada Online ayaa xog hor dhac ah ka heshay shuruudo adag oo Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ay ku xiri doonaan dalabka Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw madaxweynayaashii hore waxay shuruud uga dhigi rabaan qodobo ay ka mid yihiin in marka hore Farmaajo uu ka laabto mudo kororsigii uu sameystay dhawaan iyo inuu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu dhamaaday mudo xileedkiisii, go’aan dambe oo masiiri ahna uusan qaadan karin.

Madaxweyne Farmaajo oo ay u muuqato inay u hir-gasho laba sano oo mudo kororsi ah ayaan la ogeyn sababta uu shuruudahaas u fulin karo, waxaana xilligaan muhiim u ah la kulanka madaxweynayaashii isaga talada dalka uga horeeyey, maadaama uu dalku qarka u saran yahay kacdoon iyo isku dhacyo sababi kara burbur qaranimo.