DF oo xirtay dhammaan warbaahintii Al-Shabaab ee online-ka (Aqriso liiska)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dhammaan barihii Internet-ka ee lagu baahi jiray wararka kooxda Al-Shabaab, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee Al-Shabaab, iyadoo la soo bandhigay liiska.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman.Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyey Email uu dowladda ku soo ogeysii karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, “Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanayso in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaagikartaa Info@moi.gov.so. Mahadsanidiin.”

Shirkadaha bixiya internet-ka Soomaaliya ayaa toos loogu wargeliyey inay xayiri karaan oo masuuliyadi ka saaran tahay baraha Al-Shabaab ay ku baahiyaan filimadooda argagaxa leh.

Websityo mudo dheer baahi jiray wararka Al-Shabaab ayaa hadda hawada laga saaray, kuwaas oo ay ku jiraan Somalimemo, Calamada iyo Alfurqaan.

Sida ku cad amarka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, shirkadaha ayaa laga dalbaday in websityadaas ay xiraan ugu dambeyn Jimcihii shalay, waana hir galay amarkaas.

Hoos ka eeg liiska Website-yada ay dowladu xirtay