Waa kuma xildhibaanka ay is haystaan AADAN BARRE?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya maalmahaan isugu jawaabay xildhibaan laga soo doorto bariga magaalada Mumias oo lagu magcaabo Peter Salasya iyo Aadan Barre Ducaale oo dhowaan loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

Dooda u dhaxeysa labadaan xildhibaan ayaa timid kadib mariii Peter Salasya oo markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan uu sheegay hadal baraha bulshada maad ka dhaliyay, kaasi oo keenay inuu kasoo jawaabo xildhibaan Aadan Barre.

Aadan Barre ayaa kasoo jawaabay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada kaasi oo xildhibaan Peter Salasya uu ku dhahayo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya Gladys Shollei hadal Soomaali ahaan u tarjunmaya “marwo afhayeen, mudane”.

Xildhibaan Barre oo muuqaalkaan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa isna kusoo kor qoray ereyo af-Soomaali ahaan noqonaya “Waxaan ma dhab baa? Ma noqon karo Aqalka baarlamaanka agoosto. Allah ha caawiyo.”

Xildhibaan Peter Salasya ayaa isna durbadiiba jawaab kale kasoo bixiyey hadalka uu Barre kusoo kor qoray muuqaalkiisa wuxuuna isna yiri “Aadan Ducaale, oo loo magacaabay wasiir, ayaa hadda i dhaleeceynaya, oo ii sheegaya sida aan kaftanlow u ahay.”

Sidoo kale xildhibaan Peter Salasya ayaa jawaabtiisa ku dhahay “Waxaan ku eegayay markaad oranaysay ‘waxa ugu horreeya waa in ciidamada KDF laga soo saaro Soomaaliya’. Runtii dalkaan dhibaato hor leh ayaad ku soo kordhineysaa, uma qalantid inaad noqoto wasiirka difaaca,” ayuu raaciyay.

Ducaale oo u muuqday inuu ka kululaaday hadalka kasoo yeeray xildhibaan Peter Salasya ayaa mar kale bartiisa Twitter-ka kusoo qoray jawaab u qorneyd sidaan  “in markii horeba ay ahayd in aanba laguu dooran xildhibaan.”

Waa kuma xildhibaan Peter Salasya?

Xildhibaan Salasya oo markii ugu horreysay la soo doortay waxa uu noqday xildhibaan ay dad badan oo Kenyan ah yaqaannaan oo kasbaday quluubtooda kaddib wareysiyo xamaasad leh oo warbaahinta uu siiyay ka hor intii aan la dooran.

Waxa uu jaamacadda Egerton ee dalka Kenya ka baxay sanadkii 2014. Wuxuu ku biiray baarlamaanka kaddib doorashadii guud ee Agoosto 9, 2022.

Waxa uu dhashay Jannaayo 15, 1989. Waxaa la dhashay toddobo carruur ah.