Sawirro: Aadan Madoobe oo u baxay safar dibadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay Aadan Cadde, isaga oo kusii Jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Netherland.

Sheekh Aadan Madoobe oo aan booqashadiisa horey loo sii shaacin ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyey xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulamo la yeelan doono madaxda sare ee dowladda Boqortooyadda Netherland, gaar ahaan dhiggiisa dalkaas, isaga oo kala hadli doono wada shaqeynta labada baarlamaan iyo sidoo kale xaaladda Soomaaliya oo abaaro ay ka jiraan.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Netherland waxaa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Netherland, isaga oo uga warbixin doono arrimaha Somalia oo haatan wajaheyso xaaladdo adag, sida abaaro iyo amni darro.

Netherland ayaa ka mid ah dowladaha reer Yurub ee taageera Soomaaliya, isla-markaana xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka oo ay ka caawiso dhanka dhaqaalaha.

Safarka uu galay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu xuran yahay kalfadhiga Golaha Shacabka, isla-markaana ay fasaxan yihiin xildhibaannada.

Waxaa sidoo kale haatan dalka ka maqan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna booqasho ku joogo magaalada Kampala, halkaas oo uu uga qayb-galayo dabaal-degga xuska sanad guuradii 60-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaadatay Uganda.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-