DF oo xirtay qeybtii Amisom, QM iyo Reer Galbeedka ay adeegsan jireen ee garoonka Muqdisho kadib eedeyn culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xirtay terminal-ka MOVCON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasi oo ay adeegsan jireen QM, Amisom iyo safaaradaha reer galbeedka.

Warqad kasoo baxday maareeye ku-xigeenka garoonka Aadan Cadde, Caydaruus Axmed Kaahiye ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Duulimaadyada Amisom, QM iyo safaaradaha reer galbeedka ayaa lagu war-geliyey in hadda kadib ay adeegsan doonaan terminal-ka shacabka caadiga ah iyo qeybta VIP.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay inay adeegsadaan rakaab aan aheyn AMISOM iyo QM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Waxaa sidoo kale warqadda lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibdda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah duulimaadyada adeegsada MOVCON ay soo qaadeen dad aan haysan baasabooro ama ay warqado ka dhiman yihiin, taasi oo ka dhigan inay si sharci darro ah kusoo galeen Soomaaliya.

Warqadda ayaa qaar ka mid ah qandaraaslayaasha QM ku eedeysay inay terminal-ka MOVCON u adeegsadeen inay ka gudbiyaan waxyaabo sharci-darro ah.

Warqadda ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan xaalado qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka lagu xadgudbay ama loo hanjabay, taasi oo horey loogala hadlay QM.

Hoos ka aqriso warqadaha maareeye ku-xigeenka iyo tan wasaaradda arrimaha dibedda