DF: Qofkii baasaboorka cagaaran lagu arko waxaa loo aqoonsan argagixiso

Muqdisho (Caasimada Online) Dowlada Somalia waxay go’aan cad kasoo saartay Isticmaalka Baasaboorka Cagaaran ee Soomaaliya , ee la isticmaali jiray Xilligii Hore, iyadoo sheegtayin aan marnaba Baasaboorkaasi la isticmaali karin.

Hogaanka  waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Gaafoow Maxamuud, Wuxuu Cadeeyay  in la mamnuucay isticmaalka Baasaboorka cagaaran ee Somalia Sidaasi darteedna loo baahan yahay inay dadku ka digtoonaadaan.

Qofkii lagu arko isticmaalka Baasaboorka cagaaran ayuu sheegay inuu yahay dambiile dalka dambi kagalay Sidaasi Darteedna maxkamadna lasoo taagi doono,  si loo waafajiyo  sharciga dalka u yaalo .

” Qof kasto oo Muwaadin Somali ah waxaa laga rabaa in hadii uu qaadanayo Baasaboor uu qaato E Passport ,  kaas oo hada Soomaalida oo dhan ay adeegsadaan, Qofkii lagu arkaa isagoo adeegsanaya Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa waxaan u aqoon sandoonaa inuu yahay Argagixiso” ayuu Yiri  Gaafoow.

“Dadkii Somalida ahaa ee aaday xajka Sanadkan Dhamaan waxay qaateen Baasaboorka Cusub ee Somalia ee E Passport, Taasina waa tilaabadii ugu horeysan oo ay qaado laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Somalia weyna ku guuleysatay” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.

Waaxda Socdaalka ayaa sidoo kale Gubtay Baasabooro Badan oo ahaa Nuucii hore ee Cagaarka ahaa , waxaana General, Gaafoow uu ku cel celiyay in Qofkii lagu arkaaa adeegsiga Baasaboorkaas Cagaaran maxkamad lala tiigsan doono Dambiilana uu yahay sida uu sheegay.

Si kasto dowlada Somalia ayaa ku dadaaleysa  adeegsiga hal Baasaboor oo ay ka mideysan yihiin dhamaan Somalida inkastoo dadka qaar  ay aragtiyo kala duwan arintan ka qabaan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com