Xafiiska R/Wasaare Saacid oo ka hadlay Xiisad ka taagan Baladxaawo

Muqdisho (Caasimada Online) Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo shaqaaqooyinka ka soconaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Aaden Aw Xirsi oo horayna u ahaa Guddoomiyaha isla Gobolkaa Gedo ayaa ayaandarro ku tilmaamay in shacabka Magaalada Beled Xaawo ay ku dhex dagaallamaan kooxo hubaysan oo u adeegaaya dano ka baxsan kuwa Gobollada iyo kuwa dalkaba.

Aw Xirsi oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in dadka dagaalladan abaabulaya ay yihiin kuwo la yaqaan, dadka gobolka iyo dawladduna ay mustaqbalka la xisaabtami doonaan, cid walibana ay ka jawaabi doonto kaalintii ay ku lahayd dhiigga micne-darrada ah ee ku daadanaya gobolka dhexdiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Aw Xirsi yiri “Cadawgii umadda Soomaaliyeed ayaa 20 KM oo keliya u jira Beled Xaawo, kuwaasi oo keliya ayaana u baahan in guluf lagu kiciyo dagaal kharaarna lala beegsado.”

Mar la weydiiyey waxa ay dawladda dhexe doonayso in ay ka qabato shaqaaqooyinka, ayuu Aw Xirsi sheegay in ay si degdeg ah Gobolka u gaari doonaan xildhibaanno iyo madax heer gobol iyo heer qaran ah.

“Maanta ayay ugu dhaw dahay in xal waara laga gaaro arrinta waqtiga soo jiitantay ee Gobollada Jubbooyinka, waana wax aad looga xumaado in iyadoo ay dawladda dhexe iyo Maamulka Jubba ku hawlan yihiin Shirka Dib-u-Heshiisiinta ee uu wejigiisa hore ka dhacayo Magaalada Muqdisho, ay shaqsiyaad dhawr ihi hannaankaa dhabar wareemaan, dhiig hor lehna ku daadiyaan gobolkaa ay mashaqadu daashatay.” ayuu hadalkiisa ku soo gebaggabeeyey.

Waa markii ugu horraysay ee uu sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu si toos ah uga hadlo colaadaha ka soo cusboonaatay Waqooyiga gobolka Gedo.

Colaadahan ka soo cusboonaaday Waqooyiga Gobolka Gedo, ee galaaftay nolosha ugu yaraan saddex qofood, ayaa waxay u dhexeeyaan Ahlusunna Waljamaaca oo horay ugu biirtayDawladda oo dhinac ah iyo Ciidamo kuwa dawladda ka tirsan laakiin si gaar ah uga amar qaata guddoomiyaha Degmada Doolow.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com