DFS oo dhaqaale badan heleysa kadib heshiis ay la gaartay Midowga YURUB

Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maanta oo Khamiis ah heshiis ku gaaray dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Heshiiskan ayaa Soomaaliya waxay ku heli doontaa in ka badan 400 oo Milyan oo dollar taas oo la rabo in lagu horrumariyo Soomaaliya.

Heshiiska dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana goobjoog ka ahaa in ka badan 100 dowladood oo caalamka ka socda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in heshiiskan uu horrey u jiray oo Soomaaliya ay u saxiixday balse 23-kii sanno ee la soo dhaafay ee burburka lagu jiray ayuu meesha ka baxay.

“Heshiiskan waxaa la dhahaa ACP oo ah (African Caribbean Pacific) iyo EU waxaana ku jirra dalal badan marka annaga 25-kii sanno ee la soo dhaafay kuma aanan jirin balse hadda ayaan dib ugu soo laabanay, waana noo sharraf” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Mar la weydiiyay in lacagta Soomaaliya loo ballan qaaday waqtiga la siinaayo wuxuu sheegay in lacagta muddo shan bilood gudahood ay dowladda ku heli doonto isla markaana uu ka dhignaan doono in si toos ah gacanta iyada loogu galiyo si ay waxa ay rabto ugu qabsato ayuu yiri.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dedaal xooggan ugu jirta siddii ay is-kaashi iyo xiriir qoto dheer ula yeelan lahayd caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com