25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Video: Wiil uu adeer u yahay R/W hore ee Soomaaliya oo ku biiray Al-Qaacida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Toronto(Caasimada Online) – Bogga Tv-ga CBS News ee ku yaala dalka Canada ayaa maanta lagu qoray warbixin ku saabsan in wiil uu adeer u yahay Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku biiray Al-Qacidada ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in wiilkaan oo magaciisa la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon oo muddo ku noolaa magaalada Caglari ee dalka Canada uu hadda ka mid yahay dhalinyarada u dagaalanta kooxda ISIS la yiraahdo oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria oo la aaminsan yahay inuu ku biiray muddo haatan bilooyin laga joogo.

Tv,ga CBS News ee warbixintaan baahiyay ayaa sheegay in Faarax Max’ed Shirdoon uu dhawaan kasoo muuqday muuqaal ay kooxda ISIS soo bandhigeen asagoo dhahaya

“Waxaan halkaan u imid inaan idin bur burino Iddin Alle”.

Warar ayaa sheegaya in mar kalena la daawaday Faarax oo gubaya baasaboorkii uu watay ee Canada markii uu Syria tagay sida la aaminsan yahay bilowgii sanadkaan.

Faarax hooyadiis iyo walaashii oo degen magaalada Caglary ee dalka Canada oo ah qoys diimeed ayaa sheegay inay jah wareer iyo wal wal aan yareyn ka qaadeen markii ay maqleen in Faarax uu ka dagaalamayo dalalka Syria iyo Ciraaq.

Xubno ka tirsan sirdoonka dalka Canada ayaa laga soo xigtay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkaan la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon ee uu adeerka u yahay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ka mid yahay dhalinyaro fara badan oo Soomaali ku jirto oo tegay dalka Syria si ay uga mid noqdaan kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dawlada uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad.

Dhawaan dawlada Ciraaq waxay sheegtay inay duqeyn ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Al-Qacidada Ciraaq iyo Syria ka tirsanaa.

Halkan ka daawo Video


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Canada

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News