RW Somalia oo maanta booqanaya xeryaha qoxootiga dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda socdaal shaqo ay ku joogaan dalka Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah booqan doona xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Prof Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo ka mid ah wafdiga la socda ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu maanta tagi doono xeryaha qoxootiga dalka Kenya gaar ahaan xerada dhadhaab.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu soo arki doono xaalada ay ku nool yihiin Soomaalida qoxootiga ee ku nool dalka Kenya, kuwaasoo qaar badan ay ku dhasheen halkaas maadama ay ku noolaayeen in ka badan 23-sanno.

Wuxuu sheegay oo kale in ra’iisal wasaaraha uu la kulmo doono saraakiil ka socda QM kuwaasoo uu kala hadli doono siddii gargaar loo siin lahaa qoxootiga Soomaalida ee dib loogu celinaayo dalkooda iyo sidoo kale xaalada bini’aadinimo oo ay hey’addaha ka deeriyeen.

Reyusul wasaaaha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto shalay kala hadlay arrimaha qaxootiga, isagoo xusay in la dhaqan gelin doono heshiiskii qaxootiga ee u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).

Xerada Dhadhaab ayaa hooy u ah in ka badan nus malyuun qoxooti ah kuwaasoo u badan Soomaalia, waana xerada ugu weyn adduunka ee hooy u tahay qoxooti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com