XOG: Maamulka Shabeelle State oo ay ku jiraan xubno guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir ka tirsanaa ah

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cismaan Cabdi Mardaadi ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubnaha wasiiradda maamulkiisa.

Ilaa 7-wasiir ayuu magacaabay waxaana ku jirra guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir, ee la shaqeenaayay Tarsan.

Waxaa ka mid ah Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ahaa guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Mardaadi ayaa xusay in golaha wasiiradda maamulka Shabeelle State ay ka kooban yihiin 15 wasiir waxaana inta dhimman uu sheegay in uu dhammeestiri doono maalmaha soo socda sidda uu yiri.

Wasiiradda 7-da ah ee uu magacaabay waxaa ku jirra labo dumar ah.

Wuxuu sheegay oo kale in uu magacaabi doono xildhibaannada baarlamaanka iyo hey’addaha garsoorka.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State ayaa carabka ku adkeeyay in uu xaruntooda ay noqon doonto magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, waxaa muuqata cudud xooggan oo uu la soo baxay maamulka Shabeelle State oo ah maamul ka tirsan labada Shabeelle

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com