Dhageyso: Shirkii Hawiye ee Muqdisho oo qodobo xasaasi ah laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shalay lagu soo gebo gebeeyey wejigii koowaad kullan muddo u socda beelaha Hawiye, oo looga hadlayay aayaha beesha iyo qorshayaal ay damacsan tahay.

Kullanka oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahanno iyo haweenka Beelaha Hawiye, ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii beesha la isugu xiri lahaa guud ahaan, ayna u sameysan lahayd hoggaan mideysan oo ka taliyaha aayaha.

Waxaa kale oo kullanka ujeedkiisa qeyb ka ahaa sidii dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa qaar ka mid ah beelaha Hawiye, oo weli laga yaabo inay cuqdado yar kala tirsanayaan.

Haddaba waxaa kullanka laga soo saaray qodobo dhowr ah, oo beelaha Hawiye ay isku raaceen, waxaana qodobaas warbaahinta u aqriyey Col. Cabaas Maxamuud Caddow ee hoos ka dhageyso.

Qodobada Kullankii Hawiye kasoo baxay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com