Sawirro: AXMED Madoobe oo saxiixay heshiis aysan DFS ogeyn oo Dekedda Kismaayo la xiriira (BF muxuu sameyn)

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee Jubba ayaa shalay heshiis dhanka dhismaha dekedda magaalada Kismaayo la galay Shirkadda MSC Line ee laga leeyahay dalalka Khaliijka.

Heshiiska shirkadda iyo maamulka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada,waxaana goobta ku sugna mas’uuliyin ka tirsan maamulka Jubba,xubnaha ugu sareeya rugta ganacsiga Jubboyinka ee JCCI iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda MSCLINE oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo.

Ibraahim Axmed Baajuun oo ah wasiirka gaadiidka iyo dekedaha ee maamulka Jubba ayaa warbaahinta la hadley heshiiska kaddib waxuuna sheegay in shirkadda iyo maamulka ay kala saxiixden heshiis ganacsi kaasi oo looga gon leeyahay ballaarinta ganacsiga dekedda Kismaayo.

“Waxaa madaxtooyada heshiis ku kala saxiixdey maamulka Jubba iyo Shirkadda MSC Line ee laga leeyahay dalalka Khaliijka,waxaana heshiisku uu la xiriira dhismo iyo dayactir lugu sameyn doonno dekedda magaalada Kismaayo” ayuu yiri wasiirka gaadiidka iyo dekedaha ee maamulka Jubba,Ibraahim Axmed Baajuun.

Mas’uul u hadley shirkada oo lugu magacaabo Shariif Axmed ayaa isna dhankiisa sheegay in bisha September ee sanadkaan ay si rasmi ah uga shaqo bilaabi doonaan dekedda Kismaayo,waxuuna inta ku darey inay qorsheynayan sidii loo horumarin laha dakedda Kismaayo oo u ku sheegay inay tahay mid istiraatiji ah.

Shariif Axmed ,waxaa kalo uu soo hadal qaadey in shaqooyinka ugu badan ee ay qaban doonan inay ka mid tahay,keydinta agabyada kasoo dega dekedda waxayna dib u howlgelin doontaa qaybtii keydka ee dekedda Kismaayo taas oo bur burtay sanadkii 1991-dii.

Heshiiskan, ayaa waxaan ka war-hayn dowladda federaalka Soomaaliya, ee fadhiggeedu yahay Muqdisho. Nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa dhiggaaya in dhammaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha dalka ay maamuleyso dowladda dhexe, waxaana maamulka Jubba uu horey uga baxay heshiiskii DF ku wareejin lahaa xarumahaas.

Xildhibaanada Xamar u fadhiya caqabadeynta horumarka Muqdisho, ee horey u diiday in shirkadda Favori maamusho garoonka Muqdisho, ayaan la fileyn inay ka hadlaan arrintan, maadaama uu yahay heshiis aan ayaga lasoo marsiin, sidii ay ku doodeen markii ay diideen Favori.

Sida muuqato, waxaa maamul dalka ka jira uu mid walba u dhaqmayaa sida dal madax banaan, ayada Puntland ay maalmo ka hor u saxiixday dalka Yemen inay kalluumeysatadooda ka jillaaban karaan xeebaha maamulkaas.

Waxaa cad in Nidaamka federaalka Soomaaliya uu yahay mid sidiisaba loogu tala gay sidii dalka loo kala qeybin lahaa.

Sawirrada heshiiska

juba1juba2juba3juba4

Caasmada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com