27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Qodobada heshiiska DF & Ahlu-Sunna

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiisyo hordhac ah islamarkaana ah kuwa KMG ah ayaa laga gaaray colaadii ka taagnayd Degmada Guriceel.

Qodobada heshiiska ay kala saxiixdeen Alsunna iyo dowladda federaalka ah ayaa ka kooban Shan qodob, oo kal ah.

1-Xabbad joojin rasmi ah,

2- in la kala qaado ciidamada muddo Afar maalin godohood ah.

3-in la furo wadahadal muddo toban maalin gudahood ah oo ka billaabaneysa 5-03-2015, si xal rasmi ah loo gaaro.

4- in labada ciidan ay ku kala ekaadaan Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, halkaasina waxaa ku cad in ciidamada dowladda ee ku sugan dugsiga tababarka Harqaboobe ee Guriceel la geyndoono Dhuusamareeb.

5- in dadkii ka barakacay magaalada dib loogu soo celiya guryahooda.

Heshiiskan waxaa u saxiixay dhinaca dowladda wasiirka Gaashindhigga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, halka Ahlusunna uu u saxiixay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah ku simaha gudoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna Sheekh C/risaaq Maxamed Cali Mire.
suufi1

suufi2

suufi3

suufi4

suufi5

suufi6

suufi7

suufi8

suufi9

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News