28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xasan oo xilal ka qaadis la damacsan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu wado qorsho uu isbedel ku sameynaayo Saraakiisha Laamaha Amaanka.

Saraakiisha Isbedelka uu saameyn doono ayaa waxaa kamid ah Nabadsugida, Militeriga iyo qaar kamid ah Booliska.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Isbedelkaasi ay xilalkooda ku weyn doonaan Saraakiil badan, halka qaar kalane ay kusoo biiri doonaan Laamaha amaanka.

Tani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa, xili mudooyinkii dambe uu faraha kasii baxaayay Amaanka Magaalada Muqdisho, waxaana taasi ka shiray Madaxda ugu sareysa dalka oo isku fahmay in Isbedel lagu sameeyo Saraakiisha Laamaha Amaanka, bacdamaa dalka uu galay xaalad khatar ah.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa wado qorshooyin cusub oo ay waxbadan uga bedeleyso Amaanka iyo habdhaqanka Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News