DF iyo Masar oo wada hir-gelinta qorshe cusub iyo wafdi sare oo Muqdisho yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda hay’adda duulista rayidka dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kullamadan ayaa bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho shirkadda duulimaadyada Egypt Air.

“Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta suurta-galnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaasi oo noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud, Axmed Macallin.

Waxa uu intaas kusii daray “Hadda waxaa socda qorshihii aan ugu gudbi lahayn duulimaadyada bariga dhexe, waxaana dalka uu marti-gelin doona shirkadaha diyaaradaha Yurub oo daneynaya inay duulimaadyo ka billaabaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.”

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Egypt Air ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan labadan duulimaad ayaa la filaya in la billaabo ka hor dhammaadka sannadkan.

Waxay noqonaysa duulimaadyadii sagaalaad oo caalami ah oo ka soo degga Muqdisho, waxaa horey si joogta ah uga soo deggayay Muqdisho shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee kala ah; Turkish Airlines, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Flydubai, Air Djibouti, Uganda Airlines iyo Kenya Airways.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo Muqdisho dhawaan la gaartay heshiis iskaashi xukuumadda Qaahira, xilli ay xiisad xoogan kala dhaxeyso Addis Ababa.