“DFS ma mamusho dekadaha Kismayo, Berbera & Bosaaso” sidaas waxa yiri

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka dekeddaha xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Macallin Baadiyow ayaa maanta oo Axad ah hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoona la weydiiyay su’aallo dhowr ah.

Wasiirka su’aalaha la weydiiyay waxaa ka mid ahayd bal in uu caddeeyo xukuumadda dekeddaha ay maamusho iminka.

Wasiirka wuxuu caddeeyay dowladda Soomaaliya in ay maamusho kaliye dekedda weyn ee Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in dekeddaha Kismaayo, Berbera iyo Boosaaso aaney hoos imaan dowladda Soomaaliya.

Dekadda weyn ee Muqdisho
Dekadda weyn ee Muqdisho

“Wasaaradeydu waxa ay maamushaa uun hal dekedda oo ah dekedda Muqdisho, dekeddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo annaga maamulno, balse xiriir kale ayaan leenahay, xittaa ma naqaano lacagta ay qaataan”ayuu yiri wasiirka.

Seddexda dekad ee uu sheegay wasiirka in aysan maamulin waxay kala yihiin Kimaayo oo ay gacanta ku hayaan maamulka KMG ah ee Jubba, Berbera oo maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya, dekedda seddaxaad waa Boosaaso waxaana gacanta ku haya maamulka Puntland.

Xitaa dhaqaalaha ka soo xarooda waxaa maamusha oo leh maamulada halkaas ka arrimiya.

Maalmahan xildhibaannada baarlamaanka waxa ay su’aallo weydiinayeen qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com