Xog: Kullanka Gaas & madaxda Yemen

Sanaca (Caasimada Online) – Wakaalada wararka Yemen ee Saba ayaa qortay in madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maanta la kulmay madaxdaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka Yemen.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa markii horre la kulmay ra’iisal wasaaraha Yemen, Mohamed Salem Basindwa, waxaana ay ka hadleen xiriir ka dhexeeya labada dhinac iyo inay lee yihiin danno gaar ah oo ka dhexeeya.

Waxa ay ka hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gaar ahaan deegannada Puntland iyo guulaha ay ka gaarayn nabadda.

Intii kulanka socday, ra’iisal wasaaraha Yemen wuxuu dib u cusbooneesiyay Yemen taageerada ay siineyso Puntland kuwaasoo looga gun lee yahay in la gaaro ammaan iyo horrumar.

Dhinaciisa madaxweynaha Puntland, Dr. Cabdiweli ayaa ammaanay doorka Puntland ay ka qaadaneyso ammaan iyo horrumar ka dhacda Soomaaliya iyo in muhiim uu yahay xiriirka ka dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay kulanka inta uu socday, labada dhinac ay isla soo qaadeen siddii loola dagaallami lahaa burburcad badeeda ka dilaacday gacanta caddan kuwaasoo ka dhashay dowlad la’aantii ka jirtay Soomaaliya 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland, ayaa la kulmay madaxweynaha Yemen, Abdu Rabbu Mansour Hadi, waxa ay ka hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan Puntland.

Waxa ay labada nin ka hadleen xoojinta xiriirkaas ka dhexeeya.

Madaxweynaha Puntlanda muddada afarta cisho ee uu joogayo Yemen wuxuu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dallkan, kuwaasoo uu kala hadli doono wax yaabaha ay ka hadleen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com

During the meeting, the two