CALI KHALIIF Galeyr oo banaanka soo dhigay shirqool uu Gaas u maleegayo..

Buuhoodle (Caasimada Online)-Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa gaaray magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer, isagoona ka hadlay arrimo badan.

Cali Khaliif wuxuu eedeen culus u jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoona ku eedeeyay in uu wado qorshe uu ku duduminaayo maamulka Khaatumo State.

Wuxuu sheegay Cali Khaliif in madaxweynaha Puntland markii uu qabanaayay xilka loo arkaayay qof wax badan ka qaban doona arrimo badan balse wuxuu caddeeyay in Cabdiweli Gaas uu noqday qof raba in la dudumiyo maamulka Khaatumo.

“Cabdiweli Cali Gaas markii uu xafiiska qabanayay waxaa loo arkayay nin fiican oo wax soo kordhinaya, laakin wuxuu billaabay arrin cadaawad ah, adduunyada maanta wax qarsoon ma jiraan, wuxuu Ethiopia ku yiri “Khaatumo waa meel halaq marayn ah, lagana maamulo cadaawada Itoobiya, wax qarsoomaya ma ahan” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

“Waan la soconaa Ethiopia wuxuu la tagay, qadiyadda uu la tagay Kallinka shannaad oo ah in Khaatumo ay tahay meel fitno ah, warkaas waxbo kama jiraan” ayuu yiri markale Cali Khaliif Galeyr.

Wuxuu dhinaca kale eedeen u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa Soomaaliya oo uu yiri waxbo uma qaban dadka reer Khaatumo.

“Isimida iyo cuqaasha Khaatumo waa kuwii ugu horreeyay ee aqoonsaday madaxweynaha markii la doortay ee u tagay, laakin waxbo nooma tarin dowladda iyo madaxweynaha” ayuu yiri.

Cali Khaliif Galeyr ayaa xusay in Buuhoodle lagu qaban doono shirkii seddaxaad ee Khaatumo State, kaasoo looga arrinsanaayo aayaha maamulka Khaatumo, wuxuu ku baaqay in shirkaas laga soo qaybgalo.

“Garaadadu waa kuwa halkan jooga, reer Khaatmo waa qabiil kaliya ee doortay madaxweynaha una tagay markii l doortay, balse siddii aan u taageernay nooma uusan taageerin isaga iyo dowladiisa” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale eedeen u jeediyay maamulka Somaliland, isagoona ku eedeeyay in ay doonayaan dhul ballaarsi iyo daan-daansi ay ka sameenyaan dhulka uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State, “cid ka yeeleso ma lahan” ayuu yiri.

CaasimadaOnline

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com