Xog: Gaas oo loo diiday kulanka Kerry

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Addis-Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in safar maalmo ka hor uu halkaas ku tagay Madaxweynaha Puntland C/Wali Gaas, si uu uga qeyb galo shirkii Bahar-Daar uu sidoo kale lahaa ujeedo kale.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Gaas uu doonayey inuu la Kulmo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka John Kerry oo shalay la kulmay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo Wareedyo ku suga Magaalada Addis-Ababa ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu saraakiisha safaaradda Mareykanka ka codsaday in uu si gaar ah ula Kulmo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Kerry, hase yeeshee Gudigii Qaabilsanaa arrintaas ay u sheegeen in uu la Kulmayo oo kaliya Madaxweynaha Somaliya Xasan sheikh Maxamuud.

Waxaa Gaas loo sheegay in Mr. Kerry uusan ku soo tala galin la kulanka Gaas ama xubno ka socda maamul goboleedyo.
Wararka ayaa sheegaya in C/Wali Gaas ugu dambeyn lagu qanciyey la kullanka xubno ka mid ah safaaradda Mareykanka iyo saraakiil hoose oo la socda Kerry, si uu ugu gudbiyo waxa uu ka doonayo waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

Gaas ayaa la sheegay in warqad aan la ogeyn waxu ku qoran uu ugu dhiibay John Kerry, kadibna uu kusoo laabtay Puntland.

C/Wali Gaas ayaa marar badan isaga daba laabtay Itobiya labadii Bil ee la soo dhaafay, waxaana soo baxay inuu dadaal dheer ugu jiray la kullanka Kerry.

Inkasta oo Cabdi Weli Gaas uu haysto dhalashada Mareykanka, haddana la kulanka madaxda Mareykanka, taasi wax saameyn ah kuma lahan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com