Geelle oo loogu soo dhaweeyay USA

Wanshinton (Caasimada Online)-Madaxwaynaha wadanka Djibouti mudane Ismaa’il Cumer Geele iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka ka dagay giroonka wayn ee ciidama Markanka andrews ee ku yaala gobolka Marland ee duleedka magaalasda Washington.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay saraakii ka socota wasaarada arrima dibadda, cidamada marakanka iyo safaarada wadanka Djibouti. Wuxuuna ka gudoomay salaan sharaf cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka marakanka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda dowladda Maraykanka sidda uu sheegay talafishanka dowladda Jabuuti,

Madaxweynaha Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas wuxuu madaxda kala hadli doonaa xiriirka labada waddan iyo xaaladda gobalka.

Sidoo kale waxa ay ka hadli doonaan arrimaha Soomaaliya, maadama Jabuuti ay ciidamo kajoogaan Soomaaliya kuwaasoo ka mid ah howgalkaj Midowga Afrika ee AMISOM.

Maraykanka ayaa saldhig weyn ku leh dalka Jabuuti, kuwaasoo ay ka duulaan diyaaradaha aan cidna wadin ee Drons-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com