DF somalia ‘oo aan weli bixin’ lacagtii lagu xukumay inay siiso xisbiga Himilo Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacagtii ay ku amrtay maxkamadda sare ee dalka kadib markii ay kaga guulesyteen kiiska xayiraaddii socdaal ee madaxweyne Shariif loogu diiday inuu ku aado Kismaayo.

Sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran oo ay soo xigatay warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan weli kusoo wareejin lacagta la xukumay oo dhan 34,000 oo dollar.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa 8-dii April soo saartay natiijada dacwadii xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, waxaana natiijada ay ka koobneed laba qodob oo kala ah:-

1 – In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista.

2 – Iyo in hay’adda ay bixiso qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka u socday, kaas oo ka yimid hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda weli kama aysan helin wax jawaab ah oo ku saabsan sababta ay u bixin la’dahay lacagta lagu xukumay.