FBI-da oo shaaca ka qaaday diblomaasi Sacuudiyaan ah oo ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee September 11

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda dambi-baarista Mareykanka ee FBI ayaa si aan ku talagal ahayn waxaa ay u shaacisay magaca diblamaasi u dhashay Sucuudiga, oo la tuhunsanyahay in uu tageero siiyay dagaal-yahanadii Al-Qacida ee fuliyay weeraradii Maraykanka lagu qaaday September 11, 2001-dii, sidaas waxaa wariyay Yahoo News.

Aqoonsiga Sarkaalkan, oo ka tirsanaa Safaaradda Sucuudiga ee Mareykanka, ayaa waxaa si khaldan u sheegay Sarkaal ka tirsan FBI-da oo ka jawaabay dacwad ay gudbiyeen qoysaska dhibaneyaashii weeradii 9/11, kuwaas oo Dowladda Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku luglahayd weeradda.

Michael Isikoff, oo ah suxufi baare ah kana tirsan Yahoo News, ayaa markii ugu horreysay qaladka ogaaday, waxaana uu Al-jazeera u sheegay in uu ogaa qaabka sirta loo shaaciyay in ay ahayd “khalad taxadar la’aan ku dhacay.”

“Markii aan ogaaday in shaacinta uu warkani ku jiro, waxaan fal-celin ka raadiyay FBI-da. Sababtoo ah waxaan ogaa in Waaxda Cadaalada iyo maamulka Trump ay si aan caadi ahayn u doonayeen inay arrinta u daboolaan,” yuu hadalkiisa ku daray suxufiga Yahoo News.

“Xaqiiqdii xeer ilaaliyaha William Barr iyo sii-hayaha agaasimaha hey’adda sirdoonka Richard Grennell ayaa maxkamadda geeyay mooshin ay ku sheegayaan in warbixin kasta ee la xiriirta sarkaalka safaaradda Sucuudiga iyo dhammaan qoraalada hey’adda FBI-da ay yihiin  xasaasi; waxay ahaayeen sir qaranku leeyahay, taas oo micnaheedu yahay haddii shaaca laga qado in ay waxyeelo u geysan karto amniga qaranka.”

Ku dhawaaqistaan waxaa sameeyay Jill Sanborn oo ah kaaliyaha Agaasimaha qaybta argagixiso la dirirka ee FBI-da.

Mussaed Ahmed al-Jarrah ayaa magaciisa si aan ku talagal ahayn loogu shaaciyay qoraalka la siiyay maxkamadda, Yahoo News ayaa sheegtay in khadalka dhacay uu xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah.

Al-Jarrah waxaa uu ahaa sarkaal darajada dhexe uga jiray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sucuudiga, waxaa safaaradda Washington loo magacaabay intii u dhaxaysay 1999-kii iyo 2000.

Waxaa lagu eedeeyay in uu kormeere ka ahaa dhaq-dhaqaaqa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee joogay masaajid iyo xarumo diinta islaamka lagu dhigo oo ku yaalla Maraykanka, sida wabixinta lagu sheegay.

Yahoo News ayaa baahisay in qoraallo ay doonayeen qareenadda qoysaskii dhibaneyaasha 9/11 uu Sanborn ku sheegay in qayb ahaan lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay FBI-da 2012-kii, kadib baritaan ay ku sameysay in xiriir uu ka dhaxayn karo Dowladda Sucuudiga iyo afduubeyaashii Al-Qaacida.

Markii hore, baaritaankaas waxaa diiradda lagu saaray laba shaqsi oo kala ah Fahad al-Thumairy oo wadaad ah iyo Omar al-Bayoumi oo ah xubin ka tirsan sirdoonka Sacuudiga.

Warbixin ka kooban saddax bog iyo bar oo FBI-du soo saartay October 2012-kii ayey ku sheegtay in sirdoonka FB-du heleen caddeyn muujineeysa in al-Thumairy iyo al-Bayoumi loo xil saaray in ay caawiyaan laba ka mid ahaa Afduubeyaasii Al-Qaacida, waxaana u xil saaray shakhsi magaciisa la qariyay.

Waa markii ugu horreeysay oo qofka “sedexaad” loo aqoonsado in uu yahay Diblamasi Sacuudi ah. Laakiin caddeynta ay soo ururisay hay’adda FBI-da ee  ku saabsan xiriirka uu Al-Jarrah la sameeyay labada afduube weli wax qarsoon, sida uu shegayo warka Yahoo News.

Ma cadda inta ay la egtay awoodda caddeynta ka dhanka ah Al-Jarrah, kaasi oo halka iminka uu joogo aysan weli caddeyn. Laakiin shaacinta sirtaani waxaa ay u muuqaneeysaa in ay su’aal cusub ku dhalineeyso suurta galnimadda in uu jiro xiriir ka dhaxeeyay Sucuudi Carabiya iyo weerarkii 9/11.

“Tani waxaa ay muujineysaa in Dowladda Maraykanku ay dabooleyso ku lug lahaanshaha Sacuudiga ee weerarkii,” ayuu yiri Brett Eagleson oo ah Afhayeenka qoysaska dhacwadda ka gudbiyay Sacuudiga.

Yahoo News ayaa werisay in ay la xiriirtay waaxda cadaladda Isniintii, laakiin saraakiil ayaa maxkamadda ogeysiiyay, waxaana qoraalkii FBI-da laga saaray qaybta dadweynaha, si loo qariyo.

Toban iyo shan ka mid ah 19-ka dagaalyahan ee qaaday weerarkii 9/11 waxa ay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiga u dhashay, waxana weerarkaas ku dhintay 3,000 oo qof.

Dowladda Sucuudiga ayaa si isku xig xigtay waxaa ay u diiday in ay ku lug lahayd weerarka ay qaadeen afduubeyashii Al-Qaacida. Waxa ay laba diyaaradood ku garaaceen xaruntii ugu weyneyd ganacsiga aduunka ee magaaladda New York.

Diyaaraddii saddaxad waxaa ay ku dhufteen gaashaan dhigga Maraykanka oo ku yaala banaanka Washington, middii afraadna waxay ku dhacday meel banaan oo Gobolka Pennsylvania.