Sarkaal ku dhintay dagaal sabab yaab leh ka dhashay oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal xoogan ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku uu ahaa mid laga dareemay degmadaasi.

Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu  Xaafada Soonakey ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir ku dhex-maray Ciidamo ka kala tirsan Millateriga iyo Booliska Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Turkey-ga uu Tababaray ee Haram Cad.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhaliyay dagaalka. Wararka qaar waxay sheegayan in labada ciidan ay kala shakiyeen, warar kalana waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Booliska, sidaana uu dagaalku ku bilowday, halka Dadka deegaanka ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen inuu dagaalka ka bilowday qaad si qarsoodi ah loo soo gelinayey Magaalada.

Dagaalka oo socday wax ku dhow saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta  la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku geeriyooday 4 askari oo ka tirsan ciidamadii dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in askarta dagaalka lagu dilay uu ka mid yahay Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad, waxaana si weyn looga garanaayay Soona Key.

Waxaa suurtagal ah in khasaaraha intaas uu ka bato maadaama rasaas habow ah ay ku dhaceysay Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Degmada Hodan ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku soo noq noqdeen dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ka wada tirsan.

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inaanay mowqif adag ka qaadan dagaalada ku soo noq noqday Caasimadda Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamadeeda.

Laamaha Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Dagaalkii Xalay ka dhacay Qaybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.