Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee dalka u magacowday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
Go’aankan ayaa yimid kadib muddo ay dowladda wadday raadinta qofkii noqon lahaa agaasimaha cusub, ayada oo sidoo kale dadka xilkan u tartamayey ay ku jireen kuwa aan Soomaali ahayn.
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee maanta waxa ay kusoo bandhigtay natiijadii kasoo baxday imtixaanaad loo galay xilka gudoomiyaha bangiga dhexe oo ay soo codsadeen 146 aqoon-yahan, taas oo ugu dambayn uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
Golaha wasiirrada ayaa soo jeedinta wasaaradda maaliyadda kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.
Go’aankan ayaa sidoo kale meesha ka saaraya hadal-hayn muddo suuqa ku jirtay oo ahayd in xilkan loo magacaabayo nin ajnabi ah kadib markii waxa laga beddelay xeerka diidaya in qof ajnabi ah uu xilkan qabto.
Cabdiraxmaan ayaa la sheegay inuu khibrad wanaagsan u leeyahay maamulka maaliyadda iyo bankiyada.
Cabdiraxmaan ayaa labadii sano ee ugu dambeysay waxa uu la-taliye sare oo dhinaca siyaasadda dhaqaalaha u ahaa xafiiska ra’iisul wasaraaha iyo dowladda.
Waxa uu sanadii 1986-kii ka shaqeeyey qeybta dakhli ururinta ee wasaaraddii maaliyadad Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muddo 20 sano shaqooyin la xiriira maaliyadda dalalka UK, Norway, Yemen iyo Geeska Afrika.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

