DF SOMALIA oo hal fursad ka faa’iideysan karta hadii doorashada K/Galbeed la qabto waqtigii loo gooyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in waqtigeeda lagu qabto doorashada Koonfur Galbeed, waxaana Saacadigii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ka dhacayay Kulamo loga hadlay doorashada Koonfur Galbeed.

Musharixiinta lagu tuhmayo inay taageero buuxdo ka heystaan Dowladda Soomaaliya ayaanan ilaa hadda ka hadal iscasilaadii Shariif Xasan iyo Doorashada dib loo dhigo ama waqtigeeda lagu qabto.

Waxaa soo baxaya in masuuliyiinta dowladda ee gaaray magaalada Baydhabo ay kulamo la qaateen musharixiinta qaarkood, iyaga oo kala hadlayay hanaanka doorashada iyo taageerada xildhibaanada.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in haddii waqtiga rasmiga doorashada Koonfur Galbeed lagu qabtaa ay fursad muhiim ah u tahay dowladda Soomaaliya, maadaama xildhibaanada ugu badan ay taageersan yihiin isbadalka Koonfur Galbeed.

Haddii Fursad dheeri ah la siiyo musharixiinta kale waxaa suuro gal inay taageero siyaasadeed ay ka helaan Shariif Xasan, islamarkaana uu noqon karo Shariif Xasan mid Daaha Gadaashiisa ka maamula Koonfur Galbeed.

Fursadda kale ayaa ah in Musharixiinta qaar ay taageero ka heystaan beelaha ay kasoo jeedaan, taasi oo horseedi karta in taageero kale ay ka helaan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed.

Balse hadda waxay dowladda Heystaa Fursad ay kaga guuleysan karto musharixiinta kale oo qaarkood aanan heysan taageero dhaqaalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com